New York ( Sh. M. Network )-War ka soo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramnada Midoobay ayaa lagu sheeggay in dalalka qeybta ka ah howlgalka AMISOM ay Ciidamo geyn karaan Soomaaliya, ka hor Bisha July ee Sanadkani.

QM ayaa shaacisay in wixii ka dambeeyay 30-ka bisha October ee Sanadkani la dhimi doono Ciidamada AMISOM, iyadoona laga dhigi doono 20,626 Askari, halka ay haatan ka yihiin 22,126 Askari.

Sidoo kale Qaramada Midoobay ayaa waxa ay sheegtay in howlgalka AMISOM 70% laga dhigi doono mid Rayid ah, islamarkaana la dhisi doono 10,900 oo Ciidamo Soomaaliyeed ah, kuwaasi oo kaabi doona howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

Qaramada Midoobay ayaa wada qorshe ay Ciidamada milatariga AMISOM loogu bedalayo Boolis tababaro iyo taageero siiyo Ciidamada dowladda Soomaaliya, xilli uu gabaabsi yahay waqtiga Ciidamada AMISOM.

Ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya aya ka kala socda dalalka Jabuuti, Kenya, Itoobiya, Uganda, Burundi iyo Nigeria.