Afgooye  ( Sh. M. Network )-Qoysakan Soomaaliyeed ayaa ka cabanaya dhul boob lagu hayo dhulkooda oo ku yaalla deegaanka Baruurow ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Xaawo Barrow Axmed oo ka mid ah Qoysaka reer Barrow ayaa Warbaahinta u sheegtay in dhulkan uu leeyahay Aabaheed, dhaxalna uu yahay, balse ay hadda boob ku hayaan Qoys ay sheegtay in ay horay u ahaayeen Daris.

Waxaana ay tilmaamtay in ay adeegsanayaan xubno ka tirsan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Sidoo kale Maxamed Yuusuf Barrow iyo Cabdi Barrow ayaa si Wadajir ah u sheegay in la dudsiinayo dhaxalka Waalidkood.

Waxaana ay wax laga xumaado ku tilmaameen in loo soo aadeegsado shaqsiyaad ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.