Muqdisho ( Sh. M. Network )-Qoysaskan Soomaaliyeed ayaa ka cabanaya dhul boob xoogan oo ay ku hayaan saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Dhulka ayaa ku yaalla Xaafadda Beexaani degmada Shibis ee Gobolka Banaadir, halkaas oo ay leeyihiin Qoysaskani Soomaaliyeed.

Cabdicasiis Abuukar Maxamed Shiiqey “Abakarow” oo ka mid ah dadka dhaxal tooyada u leh dhulkaasi ayaa sheegay in muddo dhowr bilood ka hor laga hor istaagay howlo shaqo oo ka socday dhulkooda.

Waxaana uu hoosta ka xariiqay in saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ay boob ku hayaan, islamarkaana ay duminayaan guryo ay dad shacab ah dagan yihiin iyo Garaashyo ku yaalla dhulkaasi.

Halkaa hoose Codka.