Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xassan Cali Khayre, oo xalay ka qeyb galay munaasabad lagu xusayay 75 sano guuradii kasoo wareegatay markii dhiddibada loo taagay ururkii SYL ayaa hambalyo u diray dhammaan dhalinyarada Soomaaliyeed.

“Hambalyo ku aaddan 15-ka May oo ah Maalinta Qaran ee dhalinyarada Soomaaliyeed ayaan u dirayaa dhammaan dhalinyarada Soomaaliyeed oo udub dhexaad u ah dawladnimada iyo horumarka”, ayuu yiri Mudane Xassan Cali Khayr.

Maalinta 15-ka May waxa ay ku weyntahay diiwaanka taariikhda gobonimadoonka Soomaaliyeed, waana maalintii la unkay ururkii S.Y.L sanadku markuu ahaa 1943 kaas oo ay dhidibada u taageen 13 dhalinyaro Soomaaliyeed ah oo hadafkoodu ahaa sidii ummada Soomaaliyeed ay uga xuroobi laheyd Gumeestaha, arintaas oo ugu danbeyn guul laga gaaray 1960.