Muqdisho ( Sh. M. Network )-Rag ku hubeysnaa Bastoolado ayaa Duhurnimadii maanta Degmada Hiliwaa ee Gobolka Banaadir ku dilay Nabadoon Magaciisa lagu soo koobay Nuur Afey, kaas oo si weyn looga yaqiinay Degmadaasi.

Marxuumka la dilay ayaa la sheegay in uu horay uga tirsanaa ciidanka Booliska Soomaaliyeed, balse haatan uu ka mid ahaa waxgaradka Degmadaasi Hiliwaa ee Gobolkan Banaadir.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in dilka uu ka dhacay nawaaxiga Masjid ku yaalla Suuqa Degmada Hiliwaa, islamarkaana ay goobta isaga baxsadeen Raggii ka dambeeyay dilkaasi.

Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda ayaa lagu soo warramayaa in ay goobta gaareen, kuwaas baaritaano ka sameeyay qeybo ka mid ah degmada Hiliwaa ee Magaalada Muqdisho.

Waxaana ay ku soo qabteen howlgalkooda illaa 4 Nin oo looga shakisan yahay in ay ka dambeeyeen dilkaasi

Dilkan ayaa qeyb ka noqonaya dilal qorsheysan oo toddobaadyadii la soo dhaafay ka dhacayay Xaafadaha Magaalada Muqdisho.