Gaalkacyo ( Sh. M. Network )-kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa barqanimadii maanta Askari ka tirsanaa ciidamada Maamulka Puntland waxa ay ku dileen Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Dilkan ayaa ka dhacay Xaafadda Garsoor ee Magaalada Gaalkacyo, waxaana lagu soo warramayaa in dilka kadib Raggii ka dambeeyay ay goobta isaga baxsadeen .

Duqa Magaalada Gaalkacyo ee Puntland Yaasiin Maxamuud “Tumey” oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay ku raad joogaan kooxihii ka dambeeyay dilkaasi.

Waxaana uu tilmaamay in ciidamada ammaanku ay  baraaitaano ka wadaan qeybo ka mid ah Magaalada Galkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Muddooyinkii ayaa waxaa Gaalkacyo ka dhacayay falal liddi ku ah ammaanka, iyadoona Laamaha Ammaanku ay markasto sheegaan in ay ka hor tagayaan dhibaatooyinka amni ee ka dhaca Magaaladaasi.