Muqdisho ( Sh. M. Network )-Dabley Bastooladu ku hubeysan ayaa xalay xafaada Siliga ee degmada Yaaqshid waxaa ay ku dileen Haweeney lagu magacaabi jiraya Dahabo dhuxuley, taasi oo ka mid ahayd dadka deegaanka.

Waxaana lagu soo warramayaan in Raggii ka danbeeyay dilkaasi ay isaga baxsadeen goobta dilka kadid.

Ciidamada ammaanka degmada Yaaqshid ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa ay baaritaano ku aadan dilkaasi ka sameeyeen xafado ka tirsan degmadaasi, mana jirto ilaa iyo haatan cid ay u soo qabteen dilkaasi.

Lama oga sababta ka danbeysay dilka Haweeneydaasi, waxaase dadka deegaanku ay sheegeen in ay ka Ganacsan jirtay Dhuxusha.

Muddooyinkii danbe Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacayay falal liddi ku ah ammaanka, sida qaraxyo iyo dilal qorsheysan, kuwaas oo ay masuuliyadoodu sheegteen Xarakada Al Shabaab