Muqdisho ( Sh. M. Network )-Rag ku hubeysanaa Bastoolado ayaa xaafadda Tarabuunka ee Degmada Hodan ku dilay Qof shacab ahaa, kaas oo magaciisa lagu soo koobay Cadaawe.

Marxuumka la dilay ayaa la sheegay in uu ka shaqeyn jiray Gaadiidka nuuca Iskool Wiidada ah ee dadweynuhu ku bartaan darawalnimada.

Goobjooge la hadlady Iadaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay sida uu dhacay dilkaasi,

Waxaana uu sheegay in Rag ku labisnaa dareeska ciidamada dowladda ay toogteen Marxuumka, xilli uu ku sugnaa Nawaaxiga Isgoyska Tarabuunka ee Magaalada Muqdisho.

Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda ayaa lagu soo warramayaa in ay goobta gaareen, dilka kadib, kuwaas baritaano ka sameeyay Xaafada Tarabuunka degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Waxaana la sheegay in ciidamadu ay gacanta ku dhigeen Raggii ka dambeeyay dilkaasi.

Dilkan ayaa ku soo aadaya, xilli muddooyinkii dambe Magaalada Muqdisho ay ka dhacayeen falal liddi ku ah amaanka, sida dilal qotsheysan iyo weeraro qaraxyo ah.