Muqdisho ( Sh. M. Network )-Rag ku hubeysnaa Bastoolado ayaa Xalay Fiidkii Qof shacab ahaa ku dilay deegaanka Sarakuusta ee duleedka magaalada Muqdisho.

Marxuumka la dilay ayaa Dukaan ku lahaa deegaankaasi, waxaana la sheegay in Rag gaaraya illaa labo ay goobtiisa Ganacsi ku dhax dileen.

Mid ka mid ah Ehellada Marxuumka oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa ka warbixiyay dilkaasi.

Waxaana uu tilmaamay in dableydii ka dambeysay dilkaasi ay goobta isaga baxsadeen.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.