Muqdisho ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo duleedka Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa sheegaya in xalay Rag ku hubeysnaa Bastoolado ay Qof shacab ahaa ku dileen deegaanka Garasbaaley.

Ilo deegaanka ah ayaa Idaacadda Shabelle u sheegay in Marxuumka la dilay uu Waardiyo ka hayay Guri uu dhismo ka socday oo ku yaalla Xaafadda Tabeelaha Sheekh Ibraahim ee Duleedka Muqdisho

Waxaana ay tilmaameen in dilka ka hor ay murumeen Marxuumka iyo kooxihii ka dambeeyay dilkiisa, islamarkaana ay goobta isaga baxsadeen.

Maamulka deegaanka Garasbaaley oo aan la xariirnay ayaa sheegay in ay haatan wadaan baaritaano xoogan, islamarkaana ay ku raad joogaan Raggii ka dambeeyay dilkaasi.

Muddooyinkii dambe ayaa waxaa Garasbaaley ka dhacayay falal liddi ku ah ammaanka, waxaana had jeer Maamulku uu sheegaa in uu wax ka qabanayo dhibaatooyinka soo noq noqday ee deegaankaasi.