Gaalkacyo ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in  xaafada Garsoor ee Magaaladaasi Rag habeysan xalay ay ku dileen wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabi jiray Saciid Caseyr.

Dabley hubeysan ayaa rasaas ku furay Marxuumka, oo ka mid ahaa dhalinyarada Aqooyahanada ah ee ku sugan Gaalkacyo, kaas oo si weyn looga yaqiinay Magaaladaasi.

Ciidamada amaanka ayaa lagu soo waramayaa in xaafado ka tirsan Magaalada Gaalkacyo  ay ka sameeyeen howlgallo ballaaran, kuwaas oo lagu baadi goobayo Raggii  ka danbeyeeyay dilkaasi.

Majirto weli wax faah faahin oo ay saarkiisha amaanku ka bixiyeen howlgalladaasi iyo haddii ay jiraan dad lagu soo qab qabtay.

Muddooyinkii danbe Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo waxaa ka dhacayay falal lidi ku ah amaanka iyo dilal qorsheysan, mana jirto ilaa iyo haatan laamaha amaanku wax ay ka qabteen dhibaatooyinkaasi.