Baardheere ( Sh. M. Network )-Saraakiisha Ciidamada dowladda ee G/ Gedo ayaa maanta xubn o ka tirsan Al Shabaab ku soo bandhigay degmada Baardheere ee gobolkaasi.

Korneyl Salaad Cali Axmed oo ka mid ah saraakiisha Ciidamada dowladda ee gobolkaasi ayaa Shabelle u sheegay in Ragga la soo qabtay ay gaarayaan illaa 11 Qof, kuwaas oo uu tilmaamay in Ciidamadu ay gacanta ku soo dhigeen, kadib howlgallo ay ka sameeyay xaafadaha magaaladaasi Baardheere.

Sarkaalkan ayaa sheegay in xubnahani ay qirteen in ay ka tirsanaayeen Al Shabaab, waxaana uu ku eedeeyay in ay ka dambeeyeen dilal iyo qaraxyo ka dhacay gobolka Gedo ee K/ Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in Raggani ay ku wareejin doonaan Maxkamadda Ciidamada Qalabka ee Soomaaliya, si loo Maxkamadeeyo.

Ciidamada milatariga Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland ayaa indhawaanahan howlgallo ka dhan ah Al Shabaab ka waday deegaanada maamulkaasi.

Dagaalyahannada Xarakada Al Shabaab ayaa weli ku xoogan gobollada Jubbooyinka iyo Gedo, halkaas oo ay ka fuliyaan weeraro iyo dilal qorsheysan intaba.