London ( Sh. M. Network )-Dagaalyahannadii weeraray Hotel Naasa Hablood 2 ee Magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in ay isticmaalayeen Aqoonsiga Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA, sida uu qoray Wargeyska The Guadian ee ka soo baxa Magaalada London ee Dalka Ingiriiska.

Wargeyska ayaa xusay in Shanta Nin ee  fuliyay Weerarka ay wateen Aqoonsi Gaarka ah ee Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano NISA.

Sidoo kale Dagaalyahannada ayaa ku labisnaay dareeska gaarka ah ee ciidamada NISA, waxayna si aan shaki lahayn u galeen Hotelka uu weerarku ka dhacay, iyagoono gudaha Hotelkaasi ugu tagay dadkii ku jiray, kadibna mid mid u toogtay, sida uu wargeysku ka soo xigtay Col. Axmed Yare oo ka tirsan Saraakiisha Hay’adda Nabad Sugida Soomaaliya.

Weerarkani oo maalin ka hor ka dhacay Hotelka Naasa Hablood 2 ee Degmada Xamarweyne ayaa waxaa ku dhintay ku dhawaad 23 Qof oo isugu jiray xildhibaano hore, saraakiil, askar, iyo dad shacab ahaa.

Waxaana Weerarkaas masuuliyaddiisa sheegtay Xarakadda Al Shabab, islamarkaana tilmaamay in ay ku dileen mas’uuliyiin ka tirsnaa dowladda Soomaaliya, sida ay hadalka u dhigeen.

Basle Weerarkan ayaa imaanaya, xilli isla bishaan 14 keeda uu Muqisho ka dhacay qaraxii ugu dhimshada badnaa abid, kaas oo gaalaaftay nolosha dad kor u dhaafaya 300 oo ruux, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan.