Baraawe ( Sh. M. Network  )-Wafdi uu hoggaaminayo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa lagu wadaa saacadaha soo socda in ay u ambabaxaan Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Ilo ku dhow xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa Idaacadda Shabelle u xaqiijiyay in safarka ra’iisul wasaaraha uu la xariiro, sidii uu u kormeeri lahaa howlgallada ka socda Gobolka Shabeelaha Hoose.

Waxaana lagu wadaa in Magaalada Baraawe uu kula kulmo saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo maalmihii dambe dhaq dhaqaaqyo ciidan ka waday deegaano ka tirsan Gobolkaasi.

Sidoo kale raa’iisul wasaaraha ayaa la filayaa in uu dhagax dhigo dhismaha garoonka Magaalada Baraawe oo loo dhisi doono qaab casri ah sida uu Shabelle u sheegay Cabdifataax Xaaji Cabdulle Guddoomiye ku xigeenka dhinac Maaliyadda ee Gobolkaasi Shabeelaha Hoose.

Waxaana uu tilmaamay in ammaanka aad loo adkeeyay, islamarkaana heegan la galiyay ciiadamada dowladda iyo kuwa AMISOM, si ay xaqiijiyaan ammaanka guud ee Magaalada Baraawe.

Lasoco wixi soo kordho