Muqdisho (Sh. M. Network)-Ra’isul wasaare Xassan Cali Kheyre iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirada ayaa maanta waxa ay booqasho ku tageen Xarunta Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Mr Xassan Cali Kheyre Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa kormeer ku sameeyay in ka badan 2000 Arday oo u fadhisay Imtixaanka Qabuulka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ay ugu biirayaan.

Sidoo kale Ra’isul Wasaare Kheyre ayaa kormeeray qeybaha ay ka kooban tahay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, waxaana Kormeerkiisa, kadib la hadlay Saxaafadda Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare  Cabdiraxmaan Daahir Cismaan, kaas oo ka warbixiyay booqashada uu  Ra’isul Wasaaraha ku tagay Jaamacadda Ummadda, taas oo uu ku tilmaamay mid Ahmiyad weyn leh.

Waxaana uu hoosta ka xariiqay Wasiirku in Jaamacaddu qaadaneyso illaa 1000  Arday oo Waxbarasho Bilaash ah ka helaya Jaamacada Ummadda Soomaaliyeed.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku guda jirta dadaallo ay si Tartiib Tartiib ah ugu soo nooleyneyso Adeegyadii Bulshada oo ay ugu horreyso Waxbarashada.

Halkaan hoose ka daawo Sawirrada:-