Muqdisho (Sh. M. Ntetwork)-Ra’isul wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Xassan Cali kheyre ayaa waxa uu soo dhaweeyay ansixinta Sharciga Isgaarsiinta Qaranka oo ay shalay meel mariyeen mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya.

War Saxaafadeed ka soo baxay xafiiska ra’isul wasaaraha ayaa lagu sheegay in Sharcigan uu qaatay mudo hal Bil ah, islamarkaana Dood kulul ay ka yeelanayeen xildhibaanada baarlamaanka mudadii uu hor yaalay .

Waxaana uu tilmaamay in Xeerkan uu horseedayo Hormaro ballaaran oo dhinac waliba leh.

Dhinacakale Ra’isul Wasaare Kheyre ayaa hoosta ka xariiqay in Xeerkan ay ansixiyeen baarlamaanka faa’iido ugu jirto Dhalinyarada Soomaaliyeed, islamarkaana ay heli doonaan in loo sameeyo Shaqo Abuur.

War Saxaafadeedkan ka soo baxay xafiiska ra’isul wasaaraha ayaa ku soo aadaya, xilli shalay baarlamaanka Soomaaliya ay meel mariyeen Sharciga Isgaarsiinta Qaranka oo in mudo ah hor yaalay Golaha Shacabka.