Ceelwaaq ( Sh. M. Network )-Roobad xoogan oo saameyn ku yeeshay dadka danta yare ee Barakacayaasha ayaa Saacdihii l soo dhaafay ay ka da’ay qeybo ka mid ah gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

Barakacayaal ku dhaqan nawaaxiga magaalada Ceelwaaq ee gobolkaasi ayaa lagu soo warramayaa in ay saameeyeen Roobabkaasi.

Waxaana la sheegay in Roobabku ay dumiyeen illaa iyo 25 Guri oo Cooshado ka sameynaaa, kuwaas oo ay ku noolaayeen dadkaasi barakacayaasha ah.

Xaalada nololeed oo aad u adag ayaana soo wajahday dadkaasi oo u badan kuwa danley ah.

Qaar ka mid ah Barakacayaashaasi oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in aysan heysan meel uga gabaadsadaan dhibicda Roobka.

Waxaana ay ugu baaqeen hay’adaha Gargaarka, Jubbaland iyo Dowladda Shexe in ay la soo gaaraan gurmad deg deg ah.

4-tii maalin ee la soo dhaafay ayaa waxa ay Roobab xoogan ka da’ayeen gobolka Gedo, kuwaas kala xiray gobolka, waxaana sidoo kale ay saameeyn dadka danta yare ee ku dhaqaan gobolkaasi.