Baardheere ( Sh. M/ Network )-Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa ku warramaya in saakay Ruux meyd ah lagu arkay gudaha magaalada Baardheere ee gobolkaasi.

Meydka Marxuumkan ayaa la sheegay in la soo dhigay bartamaha magaalada, iyadoona ay korkiisa ay ka muuqatay Rasaas, sida ay xaqiijiyeen Ilo deegaanka ah.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Marxuumkani oo lagu magacaabi jiray Cabdi Cunaaye Xalay rag hubeysan ay kala baxeen Hoy ay ka daganaa magaaladaasi.

Illaa iyo hadda laga oga heybta kooxaha ka dambeeyay dilkaasi, balse ninka la dilay ayaa ka mid ahaa Dalaaleyda Suuqa degmada Baardheere ee G/ Gedo.

Saraakiil ka tirsan kuwa dowladda oo aan la xariirnay ayaa sheegay in haatan ay wadaan baaritaano ku aada dhacdadaasi.

Dilkan ayaa wal wal iyo walaac xoogan ku beeray dadka ku dhaqan Baardheere, gaar ahaan Ganacsatada magaaladaasi.