Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo maanta Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Guddi loo magacaabay Gurmadka dadkii ku waxyeeloobay qaraxii shalay ka dhacay Isgoyska Zoobe Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Waxaana uu tilmaamay in Guddigan oo ka Kooban Wasiiro, Culima u diin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ay ka shaqeyn doonaan, sidii loo samata bixin lahaa dadkii ku dhawacmay qaraxii shalay ee Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa hoosta ka xariiqay in dhaawacyada halista ah ee aan waxba looga qaba Karin gudaha dalka ay dowladdu u qaadi doonto dibadda, si ay daryeel iyo daawo u helaan dadkaasi.

Waxaana uu intaasi ku daray in dadkii ku dhintay qaraxaasi loo sameyn doono Aas Qaran.

Dhinaca kale Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Cumar Cismaan “Eng Yarisow” oo la hadlay Warbaahinta ayaa xusay in Safar ra’iisul wasaaraha uu ku tagi lahaa dalka Turkiga uu dib u dhac ku yimid, kadib qaraxii shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Waxaana ra’iisul wasaare kheyre uu kulamo la lahaa madaxda dalkaasi Turkiga, oo kala hadli lahaa arrimo ku saabsan Soomaaliya sida xiriirka labada Dal.

Si kastaba shalay ayey ahayd markii qarax ay dad badan ku dhinteen, kuwa kalana ay ku dhaawacmeen uu ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.