Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo hadal ka jeedinayay Munaasabaddii Caleemo saarka Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo shalay ka dhacday Magaalada Jowhar ayaa sheegay in dowladda dhexe ay u aqoonsan tahay Maamul Goboleedyada in ay yihiin Garbaheeda.

Sidaas daraadeed aysan kala jecleen, isagoo hoosta ka xariiqay in wixii haatan ka dambeeya aan loo baahneen Khilaaf,  blasé ay haboon tahay in loo soo wada jeesto dagaal ka dhan ah Al Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

Hadalka Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa yimid xilli dhawaan war qoraal ah oo ay soo saareen dowlad Goboleedyada ku sheegeen in Xukuumaddu ay wado dadaalo ay ku majaxaabineyso Hoggaamiyayaasha Maamul Goboleedyada .