Muqdisho ( Sh. M. Netwok )-Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya  Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa amaanay howsha Ciidamada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ay ka hayaan guud ahaan dalka.

Waxaana uu sheegay in wax qabad muuqda ay la yimaadeen Sanadkii tagay ee 2017-kii, isagoona si gaar ah u xusay howlgalka xasilinta Caasimadda, kaas oo inta badan gaaray degmooyinka Gobolka Banaadir.

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa hoosta ka xariiqay in la xoojinayo sanadkan shaqada ay hayaan Ciidanka Nabad Sugida Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Hadalkan ayuu RW Kheyre ka jeediyay xuska 48-aad ee ka soo wareegtay Aas Aaska hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho.