Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Guuleed Khadar iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho.

Mudane Khadar iyo Wafdigiisa ayaa si diiran waxaa loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, kadib markii Dalka Masar ay uga qeyb galeen Shirka Dhalinyarada Aduunka.

Isagoo Warbaahinta la hadlayay ayaa RW ku xigeenka Soomaaliya, Maxamed Guuleed Khadar waxuu sheegay in kulamo kala duwan uu la soo qaatay Madaxda Dalka Masar.

Waxaa uu sheegay in Xukuumadda Qaahira ay diyaar u tahay in Soomaaliya ay ka taageerto arimo ay ka mid yihiin, Ganacsiga, Kaluumeysiga, Beerraha iyo Waxbarashada.

Dowladda Masar ayaa balan qaaday in ay ka dhabeyn doonto heshiisyada ay la galeen Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.