New York (Sh M Network)—Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa kulano looga hadlayay arimaha Soomaaliya waxuu la yeeshay Mdaxweynaha Dowladda Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan.

Kulankan u dhaxeeyay Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Madaxeyne Recep Tayyip Erdoğan ayaa waxuu ka dhacay Magaalada New Yorka ee Dalka Mareykanka.

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa waxuu sheegay in uu kala hadlay Madaxweyne Erdogaan xoojinta xariirka labada Dowladood.

Waxaa sidoo kale uu xusay in muhiim ay tahay adkeynta xariirka u dhaxeeya Dowladdaha Turkiga iyo Soomaaliya.

Madax kala duwan oo ka socoto Wadamada Caalamka ayaa isugu yimid Magaalada New York, si ay uga qeyb galaan Shirka loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay.

Sikastaba, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa Magaalada New Yorka ee Dalkaasi Mareykanka waxaa sidoo kale dhawaan uu kula kulmay Wasiirka Arimaha Dibadda ee Dalka Ruushka.