Muqdisho ( Sh. M. Network )-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta dowladda Rwanda kala wareegtay Deeq Daawo ah oo loogu talagalay Soomaaliya, si wax looga qabto dhibaatooyinka caafimaad ee ka jiro qeybo ka mid ah Dalka.

Masuulinyin ka tirsan Dowldda Soomaaliya ayaa Deeqdani oo gaareysa 10 tan oo Daawo ah kala wareegay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dalkaasi Rwanada.

“Deeqdani Rwanada waxa ay ugu talagshay in ay uga qeyb qaadato dadaalada Caafimaad ee loogu gurmanayo dadka Soomaliyeed” sidaasi waxaa yiri Xoghayaha Joogtada ee Wasaraadda Arrimaha Dibadda ee Dalka Rwanda.

Sidoo kale waxaa uu ballan qaaday in Rwanda ay ka teegeeri doonto Soomaaliya dhinacyada Caafimaadka iyo arrimaha bulshada.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliy Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa uga mahadcelisay dowladda Rwanda Deeqdan Daawada ah, waxaana ay sheegtay in xilligaani Soomaaliya ay baahi weyn u qabto dhinaca Caafimaadka.

Tan iyo qaraxii Zoobe kadib dowladda Soomaaliya ayaa taageero kala duwan oo dhinaca caafimaadka ah ka heleysay dowladaha daneeya arrimaha Soomaaliya, iyadoona dadkii ku waxyeeloobay qaraxaasi qaarkood loo qaaday Dalka Dibaddiisa.