Tukaraq ( Sh. M. Network )-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyay Ciidamada S/land iyo kuwa Puntland oo maanta markale dib uga qarxay gobolka Sool ee waqooyiga Soomaaliya.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib markii Ciidamada milatariga Puntland ay weerar ku qaadeen Kurmaraani oo u dhow deegaanka Tukaraq ee gobolkaasi.

Waxaana la sheegay in dagaalkan la’isku adeegsaday hubka culus iyo kan fudud intaba, islamarkaana uu jiro khasaare, inkastoo aan la xaqiijin karin inta uu la’egyahay.

Sidoo kale wararka ayaa intaaasi ku daraya in Ciidamada Puntland ay la wareegeen deegaanka Kurmaraani oo ay horay ugu sugnaayeen Ciidamada S/land.

Illaa iyo hada ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay labada maamul oo ku aadan dagaalkasi.

Xaaladda ayaa weli kacsan, iyadoona dhaq dhaqaqyo iska soo horjeeda laga dareemayo deegaano ka tirsan gobolka Sool.