Boosaaso ( Sh.M.Network):-Boqortooyada  Sacuudiga ayaa dib u soo celisay xoolo ka dhoofay Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari, waxaa xoolahaas laga raray dakadda Boosaaso Ganacsato kasoo jeeda Deegaanada Puntland ayaa lahaa xoolahaas .

Waxaa la sheegay in markabka magaciisa la yiraahdo Alafa Xoolaha uu sidayna ay gaarayeen 27000 Neef kuwaas oo ka dhoofay Magaalada Boosaaso.

Boqortooyada  Sacuudiga oo horay u xayiray  xoolaha  Soomaalida ayaa la sheegay inuu Xayiraadii ka qaaday xili dhaw waxayna xoolahaan lasoo celiyay ka mid ahaayeen kuwii ugu horeeyey ee ku  dhoofa fasaxa ay dalkaasi ku ogolaadeen in ay xoolaha Soomaalidu dalka Sacuudiga ay tagi karaan.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Maamulka Puntland ayaa xaqiijiyay in dib loo soo celiyay Xoolahaasi ay Ganacsatada Soomaaliyeed u dhoofiyeen Boqortooyada Sacuudi Arabia.

Dr Cabdifitaax Ducaale oo ka mid ah dhaqaatiirta inta badan isku howla daweynta Cudurada Xoolaha Soomaaliyeed oo u warramayay BBC-da ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay cudurradaasi lagu sheego Xoolaha Soomaaliyeed balse ay yihiin eedeymahaasi Malo.

Xoolahaan ayaa ahaa kuwo looga faa’iidaysanayey xiliga xajka oo xoolo badan lagu gowraco muwsimka Xajka , lama garanayo sababta ka danbaysa soo celintaan xoolaha .

Dowladda Sacuudiga wali kama aysan hadlin sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dib u soo celinta xoolahan nool ee ganacsatada Somaliyed ay leeyihiin.