Jidah ( Sh. M. Network )-Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa shaacisay sabata dalkaasi looga soo celiyay Xoolo laga qaaday Dekedda Boosaaso, kuwaasi oo dhawaantani Markabkii siday lagu soo celiyay Somalia.

War qoraal ah oo ka soo baxay Sacuudiga ayaa lagu sheegay in Xoolahaasi looga shakiyay cudurka Rifti Faaliga, taas oo keentay in dib loogu soo celiyo  Xoolahaasi.

Todobaadkan ayaa magaalada Jidah ee dalkaasi laga soo celiyay illaa 27, 000 kun oo Xoolo isug jira Ari iyo Ido, kuwaasi oo ay Ganaasato Soomaaliyeed ka dhoofisay Dekadda magaalada Boosaaso  ee xarunta gobolka Bari.

Horraantii bishii July ee aynu ka soo gudubnay ayey aheyd markii dowladda Soomaaliya ay shaacisay in Sacuudigu xayiraadii ka qaaday dhoofinta Xoolaha Somalia, kuwaasi  oo loo iibgeyn jiray dalkaasi.

Mana jiro weli wax hadal ah oo ka baxay dhanka dowladda Somalia oo ku aadan sababta keentay in Sacuudiga uu markale hakiyo Xoolaha Soomaaliyeed.

Talaabadan ayaa niyajab weyn waxa ay ku noqotay Ganacsatada Soomaaliyeed, kuwaasi oo laga joojiyay Xoolihii ay u dhoofin lahaayeen dalkaasi Sacuudiga.