Muqdisho ( Sh. M. Network )-Siyaasiga Salaad Cali Jeelle oo maanta Warbaahinta kula hadlay Maagaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay arrimo dhowr ah  oo ay ka mid yihiin Khilaafka maamul Goboleedyada iyo dowladda Federaalka  Soomaaliya.

Ugu horeyn Siyaasiga Salaad Cali Jeelle ayaa ugu baaqay Madax Goboleedyadu in ay ajiibaan Go’aankii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu u isugu yeeray  in ay Muqdisho isugu yimaadaan wax welibana Miiska wadahadalka lagu dhameeyo.

Dhinaca kale Mar wax laga weydiiyay Mr Salaad Cali Jeelle Hadal shalay ka soo yeeray Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle oo ku aadan in uu dayacan yahay ammaanka Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayuu meesha ka saaray eedeymahaasi waxaana uu cod dheer ku sheegay in haatan uu ka wanaagsan yahay ammaanka Xildhibaanada marka loo eego dowladihii hore.

Sidoo kale Siyaasiga Salaad Cali Jeelle ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle in uu wax ka qabto ammaanka Maamulkiisa balse aanu waxbo ka quseyn ammanka Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Shalay ayey ahayd Markii Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle oo u muuqday in si weyn uuu uga careysan yahay Dowladda dhexe uu eedeymo kala duwan ugu jeediyay Shir Jaraa’id oo uu ku qabtay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.