Gaarisa ( Sh. M. Network )-In ka badan toban sarkaal oo ka tirsan ciidamada booliska ee dalka Kenya ayaa si dirqi ah ugu badbaaday weerar Miino oo ay la beegsadeen dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al Shabaab.

Sarkaal ka tirsan ciidamada booliska aya sheegay in xilliga uu weerarka dhacayay ay saraakiishaasi wateen gaadiid howlgallo ka waday deegaanno ku dhow Magaalada Lamu.

Taliyaha booliska ee Magaalada Lamu Gilbert Kitiyo ayaa warbaahinta u sheegay in markii qaraxa ay ka badbaadeen saraakiisha ay dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab rasaas xoogan ku fureen.

Taliyaha ayaa intaasi ku daray in uusan jirin wax khasaara a ah oo dhinaca ka soo gaaray weerarkaasi,  waxaana uu xusay in ciidamadooda ay iska caabiyeen kooxdii weerarka ku soo qaaday.

Madaxa howlgalka Keymaha Boni Joseph Kanyiri ayaa xusay in inta badan Al Shabaab ay weerar ka soo qaadaan Keymahaasi, balse waxa uu sheegay in ciidamada amniga ee Kenya ay halkaasi ka fulin doonaan howlgallo ay kula dagaalamayaan Al Shabaab.

Saraakiisha amniga ee dalka Kenya ayaa sheegay in dhawaan deegaanno ku dhow Lamu iyo Gaarisa  ay ku dileen shan dagaalyahan oo ka tirsanaa Xarakada Al Shabaab.