Mombasa ( Sh. M. Network )-Warar ay heleyso Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in saraakiil ka tirsan Safaaradda Mareykanka ee dalka Kenya ay kulan gaar ah la yeesheen Wakiilo ka socday Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur, kaas oo horay uga tirsanaa Al Shabaab.

Labada dhinac ayaa la sheegay in ay ka wada hadleen sidii Mareykanka uu taageero dhaqaale ugu caawin lahaa abaabullada dagaal ee uu wado Abuu Masuur.

Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ayaa muddooyinkii dambe ka waday gobolladda Baay iyo Bakool qorshe dagaal oo ka dhan ah Al Shabaab.

Waxaana gobolladaasi ku sugan maleeshiyaad daacad u ah Sheekh Mukhtaar, iyo Ciidamo ka tirsan kuwa Koonfur Galbeed oo dhaq dhaqaaqyo ka wada halkaasi.