Balcad ( Sh. M. Network )-Korneyl Maxamuud Koronto oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa faah faahin ka bixiyay dagaal saacadihii la soo dhaafay ka dhacay deegaanka Basro ee duleedka Degmada Balcad.

Waxaana uu sheegay in dagaalkaasi ay ku dileen 4 dagaalyahanno oo ka tirsanaa Xarakada Al Shabaab, islamarkaana xusay in ay iska caabiyeen weerar ay ku soo qaadeen Al Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale Korneyl Koronto ayaa shaaca ka qaaday in haatan howlgallo ballaran ay ka wadaan deegaano ka tirsan Shabeelaha Dhexe, kuwaasi oo ka dhan ah Al Shabaab, si looga saaro Gobolkaasi.

Xaaladda ayaa hada ah mid dagan, waxaana goobihii lagu dagaalamay ku sugan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.

Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay dagaalayahannada Xarakada Al Shabaab oo ku aadan dagaalkaasi.

Balse muddooyinkii dambe ayaa waxaa deegaanadan ka jiray dhaq dhaqaayo ciidan oo  dhexeeya ciidamada dowladda iyo Al Shabaab.