Lamu ( Sh. M. Network )-Saraakiisha ciidamada ammaanka ee dowladda Kenya ayaa sheegay in ay dileen 2 ka mid ahaa dagaalyahannada Xarakada Al Shabaab.

Afhayeenka Kowntiga Lamu ee Dalka Kenya David Obonyo ayaa sheegay in ciidamada Difaaca Dalka Kenya ee KDF ay labo ka tirsanaa Al Shabaab ku dileen Deegaanka Nyatha oo hoostaga Kowntiga Lamu ee Dalkaasi Kenya.

“Ciidamadeena ku sugan deegaanka NYatha ee dhinaca galbeed ee Kowntiga Lamu ayay weerar ku soo qaadeen Kooxdani hubaysan wayna iska caabiyeen waxa ayna ka dileen 2 ka mid ahaa dagaalayahannada Al Shabaab” ayuu yiri Obonyo.

Arrintani ayaa imaanaysa, xilli toddobaad ka hor ciidamada Kenya ee ku sugan deegaanka Mararani ee isla Kowntiga Magaalo Xeebedka Lamu ay sheegeen in halkaasi ay ku dileen 4 ka mid ahaa Dagaalyahannada Al Shabaab.

Waxaana had iyo jeer Al Shabaab ay weeraro ku qaadaan fariisimaha ciidamada Kenya ay ku leeyihiin gudaha Dalkaasi Kenya, gaar ahaan deegaanada dhaca Xadka Soomaaliya.