Baardheere ( Sh. M. Network )-Sarkaal sare oo ka tirsanaa Xarakada Al Shabaab ayaa lagu soo warramayaa in maanta uu isku soo dhiibay Ciidamada dowladda ee gobolka Gedo.

Taliyaha Ciidamada howlgalinta ee gobolkaasi Cabdi Cali Maxamuud oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in sarkaalkaasi uu iska soo dhiibay magaalada Baardheere.

Waxaana uu Magaciisa ku sheegay Cabdinuur Aadan oo uu xusay in Al Shabaab uu u qaabilsanaa deegaanka Faxfax-dhuun ee gobolkaasi Gedo.

Taliyaha ayaa hoosta ka xariiqay in sarkaalkaasi ay ku soo dhaweeyeen Baardheere, haataana uu ku sugan yahay magaaladaasi.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.