Muqdisho ( Sh. M. Network )-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay Iska hor imaad Ciidamo ka wada tirsan kuwa Dowladda Barqanimadii maanta ku dhexmaray degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir.

Dagaalkan ayaa yimid, kadib markii Ciidamo ka tirsan kuwa DFS ay howlo burbrin ah ka bilaabeen Xaafadda Kaawa Godey ee degmadaasi, taas oo keentay in ay isku dhacaan Ciidamo daganaa Xaafaddaasi.

Iska Hor imaad kaasi ayaa waxaa ku Geeriyooday sarakaal ka tirsanaa Ciidamada Dowladda, kaas oo lagu magacaabi jiray C/laahi Xuseen Maxamed Mingiste, kana mid ahaa macalimiinta tababarka Dugsiga Ciidamada Xoogga Warshadda Nac Naca ee M/ Muqdisho

Waxaana la sheegay in xilli uu u yimid xaafadda Nasiino uu bilowday dagaalka, kuna soo baxay, balse ay haleeshay rasaastii ay is weydaarsanayeen Ciidamadii ku dagaalamay halkaasi.

Sidoo kale waxaa Iska hor imaadkaasi ku dhaawacmay illaa 4 Qof oo ka mid ah dadka deegaanka, sida uu Shabelle u xaqiijiyay mid ka mid ah dadka deegaanka.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.