Muqdisho ( Sh. M. Network )-Kooxo hubeysan ayaa Barqanimadii maanta sarkaal ka tirsanaa Ciidamada dolwadda federaalka Soomaaliya ku dilay degmada Hodan ee gobolka Banaadir

Sarkaalka la dilay ayaa Magaciisa lagu soo koobay Farxaan Barqad, waxaana la sheegay in uu ka tirsanaa Ciidanka Xoogga dalka ee ka howgala Villa Baydhabo.

Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in sarkaalkaasi lagu dilay afaafka hore ee Gurigiisa oo ku yaalla nawaaxiga Jaamacaddii hore ee Gaheyr ee degmadaasi Hodan.

Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha Laamaha Ammaanka oo ku aadan dilkaasi.

Dhinaca kale Al Shabaab ayaa baraha Internet-ka ay ku baahiyay in iyagu ka dambeeyeen dilka sarkaalkaasi.

Muddooyiinkii dambe ayaa waxaa Muqdisho ka dhacayay falal liddi ku ah ammaanka, iyadoona xalay dilal qorsheysan ay ka dhaceen degmada Deyniile ee g/ Banaadir.