Gaalkacyo (Sh M Network)—Waxaa gelinkii dambe ee maanta Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug lagu dilay Taliyihii Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Gaalkacyo.

Marxuumka oo magaciisa lagu sheegay C/salaam Sanyare ayaa toogasho waxaa ku dilay Askar ka tirsan Ciidamada Maamulka Puntland, waxaana sidoo kale falkaasi ku dhaawacmay labo kale oo ka mid ah Ciidamada Garoonka.

Wararka ayaa sheegaya dilka Taliyaha uu yimid kadib markii uu murun la xiriira mushaarka uu soo kala dhex galay marxuumka iyo Askarigii ka dambeeyay falkaasi dilka ahaa.

Saraakiisha Amaanka ee Maamulka Puntland ayaa sheegay in ay wadaan howlgallo baaritaan ah oo ku aadan soo qabashada askarigii ka dambeeyay dilka Taliyahii Garoonka Diyaaradaha ee Gaalkacyo.

Weli lama oga hadalka uu baxsaday Askarigan toogashada ku dilay Taliye C/salaan, balse Saraakiisha waxey balan qaadeen in ay soo qaban doonaan.

Askarta kale ee ku dhaawacmay falkaasi toogashada ah ayaa loo qaaday isbitaal, si halkaasi xaaladooda caafimaad loogu dabiibo.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Ciidamada Amaanka ee Maamulka Puntland ayaa howlgallo kala duwan waxey Caawa ka wadaan Xaafado ku yaalla Waqooyga Magaalada Gaalkacyo, si gacanta lagu soo dhigi askarigii ka dambeeyay dilkaasi.