Muqdisho ( Sh. M. Network )-Waxaa Barqanimadii maanta Garoonka Aadan Cadde ee M/ Muqdisho ka soo degtay diyaarad siday maxaabiis Soomaali ah oo laga keenay dlaka Liibiya

Maxaabiistan oo tiradoodu ay gaareyso illaa iyo 13 dhalinyaro ah ayaa laga soo daayay xabsiyada Tajora iyo Sika ee dalkaasi.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku soo dhaweeyay gudaha gudaha Garonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda arrimah Dibadda Soomaaliya oo Warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyay xaaladda Maxaabiistaasi.

Waa qeybtii labaad Maxaabiis Soomaali ah ah oo laga keenayo Liibiya oo ay dhibaatooyin kala duwan ku heysteen dhalinyradaasi.

Waxaana weli xabsiyada Liibiya ku xiran dhalinyaro Soomaaliyeed oo dhibaatooyin xoogan ay ku heystaan dalkaasi.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-