Muqdisho ( Sh. M. Network )-Waxaa Xalay si rasmi ah u bilowday Tartan Aqooneedka faca weyn ee Shabakadda Warbaahinta Shabelle, kaas oo ay ku baratamayaan degmooyinka gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Jaamacadda Jobkey oo taaba galineysa Barnamaajika Tartan Aqooneedka Bisha Barakeysan ee Ramadan Cabdicasiis Caagane Cabdisamad ayaa daah-furay Tartanka.

Waxaana guddoomiyuhu uu sheegay in tartanku Sanadkan ka xiiso badan Tartamadii hore, si weyna ay uga faa’iideysan doonaan Ardayda Soomaaliyeed.

Dhinaca kale degmooyinka Dayniile iyo Howlwadaag oo ku wada jira Group A ayaa Xalay ku loo lamay Tartan Aqooneedka Idaacadda Shabelle

Tartamayaasha labada degmo ayaa soo bandhigay Tartan xiiso badan, iyaga oo uu ka muuqday diyaar ku aadan ka qeyb galka Tartanka.

Hayeeshee waxa ay Guushu  raacday tartamayaasha degmada Dayniile oo dar dar xoogan la soo baxay qeybaha dambe ee Tartanka.

Dayniile aya keensatay dhibco gaaraya 10, halka Howlwadaag ay la timid 8 dhibcood, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Tartanka Maxamed Axmed Jimcaale.

Shabelle ayaa ah Idaacaddii ugu horreysay oo bilowda Tartan Aqooneedka degmooyinka dalka ee la qabto Bisha Barakeysan ee Ramadaan, waana Tartanka ugu xiisaha badan Tartamada la qabto Bisha Ramadaan.

Waxaana Sanadkan taaba gelineysa Jaamacadda Caalamiga ah ee Jobkey, halka Su’aalo diyaarintuna uu yahay Adult Commercial Secondary School.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-