Muqdisho ( Sh. M. Network )-Munaasabaddani oo lagu abaal marinayay degmooyinka kaalmaha hore ka galay tartan Aqooneedkii bishii Barakaysneyd ee Ramadaan ee ay qabatay Idaacadda Shabeelle ayaa maanta waxa lagu qabtay gudaha M/ Muqdisho.

Munaasabadda oo aheyd mid ballaaran waxaa ka qeyb galay guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ( Yariisoow ), Senetor Faadumo Giriyo, Senetor Bilaal, guddoomiyaha Jaamacada Jobkey Cabdicasiis Caagane Cabdisamad, mas’ uuliyiin ka socday Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare, qaar ka mid ah wakiilo ka socday degmooyinka kaalmaha hore ka galay tartan Aqooneedka Shabelle iyo marti sharaf kale.

Ugu horreyn Agaasimaha guud ee Shabakadda Warbaahinta Shabelle Abuukar Sheekh Maxamuud ( Abuukar Sky ) oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in hormuud ay ka tahay Shabelle kobcinta Aqoonta, islamarkaana ay tahay Idaacaddii ugu horreysay ee bilowda tartan Aqooneed degmooyinka dalka.

Agaasimuhu sidoo kale waxa uu ka hadlay taariikhda uu soo maray barnaamijkani faca weyn iyo Wariyeyaashii kala duwanaa ee soo qabtay.

Dhankeeda Sanetor Faadumo Giriyo oo ka mid ah xubnaha Aqalka Sare ee BFS oo munaasabadda ka hadashay ayaa sheegtay in wax lagu farxo ay tahay in Aqoonta lagu tartamo.

Sidoo kale guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ( Yariisoow ) ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in bulshada gobolka Banaadir ay ku tartamaan  dhinaca Aqoonta.

Waxaana uu aad u bogaadiyay dadaalka ay wadaan mas’uuliyiinta Jaamacadda Jobkey iyo maamulka Shabakadda Warbaahinta Shabelle.

Gabagabdii Cabdicasiis Caagane Cabdisamad gudoomiyaha Jaamacadda Jobkey ayaa munaasabadda ka shaaciyay Abaalmarinta ay ugu talagaleen saddexa degmo ee guuleystay, kuwaas oo kala ah degmada Cabdicasiis oo kaalinta koowaad gashay, degmada Xamarjajab oo labaad gashay iyo degmada Boondheere oo gashay kaalinta saddexaad.

Ugu dambeyn qaar ka mid wakiilada saddexda degmo ee kaalmaha hore ee tartanka ku guuleystay ayaa waxa ay sheegeen in ay aad ugu faraxsan yihiin Abaal marinta la guddoonsiiyay iyo dadaalka ay muujiyeen.

Si kastaba ha’ahaatee munaasabadda oo labo qeyb ka koobneyd ayaa dhanka kale guddoomiyaha gobolka Banaadir waxa uu xariga ka jaray xarunta Luqadaha iyo tababarada oo Jaamacadda Jobkey ay soo kordhisay xaruntaasi oo casharo ay ka bixin doonaan Macalimiin Kenyaan ah.

Halkan hoose ka Daawo Sawirrada:-