Muqdisho ( Sh. M. Network )-Injineer C/raxmaan Cumar Cismaan “Yariisow” guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho ayaa maanta daah-furay qorshe wax looga qabanayo goobaha Biyo fadhiisiga ee magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Guddoomiye Yariisow ayaa sheegay in shacabka gobolka Banaadir ay dhibaato ku qabaan goobahaasi, xilliyada ay da’aan Robabka.

Waxaana uu tilmaamay in qorshahani ay iska kaashan doonaan Injineero isugu jiro Soomaali iyo kuwa Ajaaniib intaba.

Waddooyinka waa weyn iyo qaar ka mid ah Xaafadaha M/ Muqdisho ayaa inta badan waxaa jara Biyo marka la gaaro xilli Roobaadka, iyadoona Biyahaasi ay saameyn ku yeeshaan isku socodka Gaadiidka iyo dadweynaha intaba.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-