Muqdisho ( Sh. M. Network )-Hooyo Xaawo Cabdullaahi Xuseen oo ah Hooyo da’ah ayaa ka cabaneysa Boob lagu hayo Gurigeeda oo ku yaalla Dhabarka Dambee ee dugsiga Muuse Galaal Xaafadda Nasrudiin ee degmada Howlwadaag, kadib markii ay ku qabsatay Gabar la sheegay in ay ka timid qurbaha oo sidata Docomenti aysan isku Cabir ahayn midka ay u heysato Gurigeeda.

Waxaana Hooyadani Soomaaliyeed ku Cataawday in Ciidamo Boolis ah ay maanta banaanka u soo dhigeen Alaabteeda islamarkaana jir dil ay kula kaceen iyadoona dhowr  jeer lo xiray boobka ka dhanka ah Gurigeeda awgiis.

Dhinaciisa Muuse Axmed Xeyle oo ka mid ah Ehellada Hooyadani Soomaaliyeed ayaa sharraxaad ka bixiyay Farqiga u dhexeeya docomentiga Gurigooda iyo kan ay la timid Gabadha dooneysa in ay boobto dhulkaas oo ay leedahay Hooyo Xaawo Cabdullaahi Xuseen isagoona cod dheer ku sheegay in lagu handadayo Hooyo Xaawo in ay ka soo jeedo Gobollada Waqooyi ee Maamulka Soomaaliland waxaana uu carabka ku dhuftay Garsoorayaasha xukunka fulinta ah bixiyay si looga qaato Hooyadaasi Da’da Gurigeeda.

Ugu dambeyn Ismaaciil Xasan oo isna ka mid ah Ehellada Hooyadani ayaa hoosta ka xariiqay in Garsoorka dalka ay siyaabo kala duwan Xukunno is Khilaafsan hadba dhinac ugu rideen isagoona ka digay dhibaato ka dhalata boobka Guriga Hooyo Xaawo Cabdullaahi Xuseen , waxaana uu isweydiiyay in haddii Hooyo Xaawo looga boobayo gurigeeda Hargeysa ayaad ka timid sabab loo raadinayo Midnimada Soomaaliweyn sida uu yiri.

Cabashada Hooyo Xaawo Cabdullaahi Xuseen iyo Qoyskeeda ayaa ku soo beegmeysa xilli mar ay booqatay Shabakadda Warbaahinta Shabelle Gurigaasi ay indhaheennu qabanayen Alaabta Hooyadaas iyo Caruur ay Ayeeyo u tahay oo banaanka dhooban ,islamarkaana ay isku soo baxeen dhammaan Dariska iyagoo ka xun sida ay ula dhaqmeen Ciidamada Booliska Qoyskaasi kadib amar fulin ah oo ay ka qabeen Hay’adaha Garsoorka.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-