Muqdisho ( Sh. M. Network )-Khubaro arimaha hubinta dukumentiyada u qaabilsan dalka Norwey ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho si ay u arkaan habka qaadashada Baasaboorka Soomaaliya.

Imaanshaha wafdiga khubarada ah ayaa ka dambeysay ka dib safaro uu agaasimaha guud ee HSJ ku tagay dalalka reer yurub oo uu kala hadlay in ay aqoonsadaan kuna kalsoonaadaan Basaboorka Soomaaliya. Ujeedada ayaa ah in shakiga iyo kalsooni darada laga saaro dalalka hore u joojiyey in dalalkooda lagu soo galo baasaboorka Soomaaliga ah.

Wafdiga Khubarada ah oo ay wehlinayeen masuulyiin ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa waxaa la geeyay xarunta baarista dambiyada ee booliiska ( C I D ) si ay u arkaan habka loo baaro qofka Soomaliga ee raba in uu qaato Basaboorka Soomaaliga, waxayna xarunta C I D kula kulmeen  taliyaha laanta Danbi baarista booliiska Jenaral Saciid Cali Kadiye.

Sido kale khubarada ayaa waxaa la geeyay xarunta Dad dhigista ee Gobolka Banaadir waxaana la soo tusay hab-ka loo maro qaadashada Dhalashada iyo Sugnaanta.

Ugu dambeyn khubarada ayaa soo gaaray xarunta dhexe ee bixinta Baasaboorka Muqdisho waxayna mid mid u tageen xafiisyada Hay’adda si ay u arkaan habka bixinta Baasaboorka.

Halkaan hoose ka daawo Sarwirrada:-