Kismaayo ( Sh. M. Network ) Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed islaam Axmed Madoobe ayaa maanta Shir gudoomiyey kulankii ugu horeeyey ee gollaha Amniga heer Dowlad goboleed kaasi oo lagu yagleelay golaha Amniga Qaranka.

Kulanka waxaa ka qeyb galay Saraakiil labada Madaxweyne iyo xubnaha kale ee gudiga ku jira waxaana diirada lagu saaray  xoojinta Amniga deegaanada Jubbaland iyo Abaabulka ay wadaan Ciidamada iyo qodobo kale oomuhiim ah.

Xubnaha golaha uu ka kooban yahay ayuu Madaxweynahu ka dhagaystay xog uruurin iyo tixraac ay maalmahan wadeen oo la xiriira tayada iyo tirada Ciidamada iyadoo la qorshaynayo in mudo kooban hawshaa lagu soo dhameeyo.

Dhaqaalaha deeganada Jubbaland ayaa la isku raacay in la mideeyo isla markaana miisaniyad kordhin la sameeyo mudada loo diyaar garoobayo hawlgalada la qorsheeyay si joogto uu u noqdo mushaarka Ciidanka iyo saadka ay u baahan yihiin.

Arimaha maamulka iyo adeega Bulshada ayuu golahu isku raacay in la dardar galiyo gaar ahaan Garsoorka iyo Cadaalada iyadoo wakhti dhaw la dhisi doono gudiga adeega Garsoorka.

Shirka Amniga Qaranka oo dhawaan ka dhacaya Magaalada Muqdisho ayay Jubbaland la tagi doonta qorshe dhamaystiran oo la xiriira sida ay noqonayaan hawlgalada lagu xoraynayo deeganada ay Al-Shabaab wali kaga sugan yihiin Jubbaland.