Gaalkacyo ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle “Xaaf” iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Soomaliyeed Sarreeye Gaas Cabdiweli Jaamac “Gorod” ayaa saakay si rasmi ah u furay Waddooyinkii xirnaa Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Waxaana arrintan ay timid, kadib markii Madaxweyne Xaaf uu Olole Nabadeed ka dhex sameeyay bulshada ku nool Magaaladaasi Gaalkacyo.

Gaalkacyo ayaa kala xirneyd in Muddo ah, waxaana maanta lagu guuleystay in la furo Waddooyin muhiim u ah shacabka Magaaladaasi.

Halkaan hoose ka daawo Sawirrada:-