Muqdisho ( Sh. M. Network )-Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Xukuumadda Soomaaliya aya maanta ka guddoontay Safiirka dowladda Qatar Gaadiid Basas ah iyo Qalab loogu tala galay in loogu adeego Dekadda Muqdisho

Cisman Maxamed Cabdi  “Daalo” wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ayaa sheegay in Gaadiid gaaraya illaa iyo 30 Bas iyo Laba Wiish ay ka guddoomeen Dowladda Qatar.

Waxaana uu uga mahadceliyay Qatar kaalmada ay mar waliba la garab taagan tahay dowladda Soomaaliya.

Qatar ayaa ka mid ah dalalka sida dhow u taageero dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, iyadoona mashaariicyo kala duwan ka fulisa dalka.

Halkan hoos ka daawo Sawirrada:-