Washington ( Sh. M. Network )-Magaalada Washington ee dalka Mareykanka waxaa ka furmay shirka Forum Fragility 2018 oo looga hadlayo maareynta dhibaatooyinka ka dhasha xasilooni darada iyo Nabadgalyo xumida.

Shirkan ayaa ah mid uu soo qaban-qaabiyay Bankiga Adduunka World Bank, waxaana ugu weyn oo diirada lagu saari doonaa arrimaha ammaanka

Madaxa Bankiga Adduunka oo furay shirkan ayaa sheegay in ay xoojinayaan taageerada la xiriirta sidii wax looga qaban lahaa iska hor imaadyada iyo rabshadaha, si loo gaaro himilooyinka lagu dhameynayo saboolnimada iyo kor u qaadida nolosha guud ee bulshooyinka Caalamka.

Kulankan ayaa waxaa Soomaaliya uga qeybgalaya Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Xasan Cali kheyre waxaana sidoo kale lagu casuumay madax ka tirsan Caalamka iyo wakiilada ka socda hay’daha caalamiga ah.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa shirkan Caalamiga ah kaga jawaabay su’aalo la xiriiray talaabooyinka ay Xukuumaddiisu u qaaday soo celinta xasiloonida dalka, la dagaalanka saboolnimada, musuqa iyo hagaajinta hanaanka maamulka dhaqaalaha dalka.

Ugu dambeyn inta uu ku sugan yahay Ra’iisul wasaare Kheyre dalka Mareykanka ayaa lagu wadaa in uu kulamo gooni gooni ah la qaato qaar ka mid ah madaxda ku sugan dalkaasi.

Halkan hoose ka daawo Sawirrda:-