Addis Ababa ( Sh. M. Netwotk )-Waxaa Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Dalka Itoobiya ka furmay shir looga hadlayo arrimaha federaalka, kaas oo xooga lagu saarayo Dalka Soomaaliya.

Shirkan oo ay ka qeyb galayaan mas’uuliyiin ka socota dowladda federaalkaiyo kuwa Maamul Goboleedyada ayaa intii uu socdo waxaa looga hadli doonaa hanaanka ay u shaqeeyaan Dowlad Goboleedyada Dalka.

Sidoo kale waxaa shirkan ka qeyb galaya madax kala duwan oo ka socota dalalka Itoobiya iyo Kenya.

Waxaana inta uu socdo shirkan ay madaxda is dhaafsan doonaan argtiyo la xariira arrimaha federaalka.

Ugu dambeyn shirka ayaa la filayaa in la soo gabagabeeyo maalinta Khamiista ah oo ku beegan 9 bisha, iyadoona laga soo saari War Murtiyeed la xariira waxyaabihii ay isku af-garteen madaxda ka qeyb galeysa shirkaasi.

Halkaan hoose ka daawo Sawirrada:-