Dhuusamareeb ( Sh. M. Network )-Wafdi ballaaran oo ka socday Qaramada Midoobay ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug.

Waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug oo uu ugu horreeyo madaxa Xukuumadda ee maamulkaasi Sheekh Axmed Shaakir Cali Xasan.

Soo dhaweyn kadib wafdiga ayaa booqday xarumo kala duwan oo ku yaalla magaaladaasi, gaar ahaan xarumo Qaramada Midoobay ay dooneyso in ay ka hirgaliso halkaasi.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-