Muqdisho ( Sh. M. Network )-Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa maanta hortagay Guddiga Warfaafinta, arimaha bulshada iyo Dhaqanka ee aqalka sare.

Wasiirka oo kulanka ka dib Saxaafada la hadlay ayaa sheegay in waxyaabaha wax laga weydiiyay ay ka mid ahaayeen, Qorshaha guud ee Wasaaradda, Xeerka Saxaafada Soomaaliya, Xiriirka wasaaradda kala dhaxeeya kuwa warfaafinta ee Dowlad Goboleedyada iyo waxyaabaha u qabsoomay mudada uu xilka hayo, wuxuuna sheegay in dhamaan uu ka jawaabay su’aalaha la weydiiyay.

Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya ayaa maalmihii ugu dambeeyay hortagay Xildhibaanada Aqalka Sare iyadoo wax laga weydiiyay Wasaaradahooda waxyaabaha u qabsoomay.

Halkaan hoose ka daawo Sawirrada:-