Muqdisho ( Sh. M. Network )-Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo ka mid ah xildhibaanada Golaha Aqalka Sare ayaa maanta bixiyay macluumaad dheri ah oo ku saabsan weerarkii lagu qaaday Gurigiisa Magaalada Muqdisho.

Cabdi Qeybdiid oo ka hadlayay kulankii maanta ee Golaha Aqalka Sare ayaa sheegay xogta Gurgiisa lagu weeraray ay bixisay hay’adda NISA, isagoona xusay in Ciidamadii weeraray la siiyay Macluumaad qaldan, loona sheegay in Gurigiisa uu ku sugnaa ninkii ka dambeeyay qaraxii 14kii October ee Sanadkii hore ka dhacay Isgoyska Zoobe ee M/ Muqdisho.

Sidoo kale Senator Cabdi Qeybiid ayaa intaasi ku daray in uusan ku qanacsaneyn guddigii dowladdu ay u xil saartay baaritaanka Kiiskaasi, iyadoona xildhibaanada Golaha Aqalka ay isku raaceen in guddi loo saaro arrintaasi.

Ugu dambeyn Cabdi Qeybiid ayaa dalbaday in la cadeeyo cidda leh masuuliyadda weerarkaasi, inkastoo ay fuliyeen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.